Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

Welcome To My Homepage

Welcome to My-Suraj My Photos

maseerku ma jecelbaa msie waa kibir???..............

Waxa aan isku dayeyaa in aan ka faaloodo wax keena maseeyr ka yimaada marka labada lamaane jacayl wadaagaan. Wayna kala duwan tahay maseeryka yimaada marka jacayl uu jiro iyo ka yimaada arooska dabadiisa iyo kan dabiiciyanka ah ee qofku qabo oo ah mushaki hinaasi ah. Aniguna waxa aan isku dayeyaa in aan ka faaloodo sida aan kor ku soo xusay hinaaska ka yimaada marka laba qof jacayl wadaagaan arooska hortii. Inta aynaan u gugbin maqaalkeenan waxaa haboon in qof walba is weydiiyo waxa keena maseerka iyo daawadiisa? Waxa keena maseyrka waxaa ka dooday culumada jacaylka oo dhan ilaa hadana meel lagu saleeyo waa lagaran la’ yahay hasa ahaatee waxaa laysla gartay in uu yahay wax uu ilaahay ku abuuray dadka binu aadankaah. Sida jacaylkuba yahay wax inoogu abuuran oo nolosheena ku saleysan balse arimaha ugu waaweyn ee keena maseerka dhex mara lamaanayaasha is jecel guurka hortii waa jacayl biiray kaas oo ay isu qaadaan labada lamaane iyada oo mid Kood si aad u ba’an u jeclaanayo Kan kale noloshiisana u hibeenayo. Waxaa dhacda in labada qof ee sida dhabta ah isu jecel uu soo dhex galo saddaxeeye iyo dirdiraale iyada oo tijaabo iyo imtixaan looga dhigaayo jacaylkooda iyo kalsoonida ay isku qabaan inta ayey le’egtay. Isla markaana waxaa labada qof ee sida dhabta ah isu jecel ka dhex bilaabma shaki iyo hinaasi joogto ah. Hadaba ma jiraa qof is weydiiyey maxaa keenaya in gacalisadaada ama gacaliyahaagu kaa hinaaso ama kaa maseyero. Jawaabtu waa maya. Waayo, dadku wuxuu wax xasuustaa marka ay wax walba dhamaadaan. Hadii dadku isku aragti yihiina nolosha oo idil isku si ayey u socon lahayd. Waxaa hubaal ah in uu jacaylku sababayo hinaasahaa ama maseerkaa, waayo labada qof ee is jecel marka ay kala maqan yihiin midkoodba wuxuu ka fekerayaa kan kale isaga oo niyeysanaya wixii wanaagsanaa ee uu qaban jiray iyo in uu sidaa uu uga fekerayo si la mid ah isna uga fekerayo. Laakiin hadii uu saddaxeeye yimaado ama cadaw jacayl soo dhex galo waxaa labada qof ee jacaylku ka dhaxeeyo kan uu aadka uu u saameeyey mar walba niyeysanaya gacaliyihiisii ama gacalisadiisii oo ka sii fogaaneysa una sii dhawaaneysa saddxeeyihii ama qofkii jacaylkiisa cadawga ku ahaa. Wuxuu is tusayaa isaga oo qofkii kale jacayl la jilaya, mararka qaarkoodna hadii uu telefoonka dhakhso u qaban weydo ama uu ka soo daaho in yar balantii waxaa la horkeenayaa isaga oo qofkii kale la jooga. Ugu danbeyntana wuxuu hinaasahaasi sababayaa in uu qofka wejigiisu is bedelo oo mar walba murugo ka muuqato hadaladiisuna aanay noqon kuwii hore, leen waxaa la soo dersey welwel iyo welbahaare, maskaxdiisana waxaa mashquulisay ka fekerka lamaanihiisa oo uu uga baqayo in uu bohol ku dhaco. Muddo marka uu arinku sidaa ahaado waxaa dhacaysa in uu qofka sida xad dhaafka ah wax u jeceli uu si badheedh ku jiro ugu sheego lamaanihiisa kuna yidhaahdo waad iga sii jeedaa iyo jacaylkayga ma ila wadi kartid iyo wax la mid ah, isaga oo daawo wanaagsan u raadinaya jacaylkiisa, ileen muddo badan ayuu ka aamusnaa oo si indheer garad wax ku fahmo u dareensiinayey arinta taagan. Marka uu lamaanaha kale kelmadaa maqlo isma weydiiyo waxa soo kala dhex galay iyo dhibta jirta ee isla markiiba waxay maskaxdiisu u soo tuurtaa in jacaylkii dhamaaday oo qoftii ama qofkii uu jeclaa ka quustay doonayana marmarsiinyo uu wacadka jacaylka kaga baxo. Wuxuuna isaga oo aan ka fiirsan halkii ku burburiyaa wacadkii iyo balantii adkayd ee jacaylka, isaga oo is leh saddexeeyaha ama qofkan aad dhawaan baratay ayaa wehel kuu noqonaya. Ma oga in arintu tahay dibiga gawrac weyshu ha ku quusateesaddexeeyana uu dhaawaan dhuuman doono oo nuurigiisa la weyn doono. Inta uuna sidaa is odhan mar keliya qofkaasi ma is weydiiyey waxa sababay in jacaylkii,hadalkii iyo quruxdii qofka uu jeclaaday is bedeshay mase is weydiiyey hadalada dahsoon ee ay ka midka yihiin “jacaylkeena ayaan u baqayaa, cadaw aduunkan kama dhamaado, qofkujecel hadii aad ka tagtid qof ku neceb ayaad u dhawaataa, soo joog qofkii laga waayey soo jiifso ayaa laga helaa, midho guntiga kuugu jira kuwo geed saran looma daadiyo, nabsi ha gelin haba lagaa galee iyo kuwo kalse ee la mid ka ah waxa uu uga jeedo lamaanihiisu. Sidoo kale waxaa jacaylka dhib u keena kala fogaanshaaha oo isna ah hinaasaha labaad ee jacaylka burburin Kara. taasina waa mid aan u dhaba galay oo aan soo ogaaday labada qof ee is jecel hadii ay kala fogaadaan waxaa dhexdooda yimaada tuhun aad u weyn hadii aanay jirin kalsooni qalbiga ah. Tuhunkaas oo sababay in mid walba uu run moodo waxa qalbigiisu u soo gudbiyo iyo waxa dadku ugu sheekeeyaan. Waayo, dad badan oo is jecel ayaa war loo kala qaadaa marka ay kala fogaadaan kedibna run mooda. Waxaana odhan karnaa taasi waxa ay sababeysaa kalsooni daro markii hore dhexdooda taalay. Dhalin yarada hada jirtaana ma eegaan dhibta uu dareemayo marka uu qofku waayo jacaylkiisa. Waxayna wax walba ka soo qaadan kaftan iyo mala’awaal. Taasna maaha mid haboon, waayo jacaylku waa wax jira horena wuu u jiray oo waxaa ka hadlay fanaanin iyo abwaano kala duwan. Waxaana jira dad badan oo jacayl ku dhacay. Sooomaalidu waxay ku maahmaahdaa “nin aan dhul marin dhaayo ma leh” qofkuna hadii uu dadka wareysto wuu ogaanayaa xaqiiqadu waxa ay tahay iyo in dadka dunidan ku nool 95% uu hayo jacayl dhab ah laakiin 5% ay is helayaan taana ay sababtay kalsooni daro iyo dareen la’aan uuna qofku dareemayn jacaylka dhabta ah iyo kan mala awaalka ah. maseyrka ama hinaasuhu waxa uu ka yimaado qofa ku jecel, kaaso oo mar walba doonaya in aad agtiisa ahaatid.Hadaba hadii aad is bedelada aan kor ku soo sheegnay ku aragtid lamaanahaaga adiga oo aan is kululeyn waxaad ka shaki saartaa wax walba. Waxa aanad ogaataa in uu ifka kuugu jecel yahay aduunkana uu kaa fiirsanayo. Waxaanad isla markaaba dib u raacdaa noloshaada oo eegtaa wax kuu dhaw agtaada oo ahaan doona saddexeeye ama cadawga jacayl.Ogowna jacaylka ayaa yeesha saaxiib ku taageera iyo mid cadaw kuu noqda. Ugu danbeyntii waxa aan ku soo gabagabeyn lahaa wax yaabaha keena maseyrka ama hinaasaha oo aynu kor ku soo sheegnay in ay ku biyo shubanayaan kalsooni buuxda oo uu kuu qaado qofka ku jeceli isaga oo doonaya in indhihiisu mar walba ku dheehdaan oo aanad ka ag dheeraan. Waayo wuxuu mar walba qofka ku jecel ku dadaalayaa wanaagaaga, waxaana haboon in aad mar walba fahamtid dabeecada iyo habdhaqanka wanaagsan ee lamaanahaahga.Taas oo marka u danbeysa kuu horseedaysa in aad kula noolaatid nolol farxad leh qofka ku jecel adiguna aad jeceshahay oo aad mar walba ku dadaaleysid in aad la wadaagtid nolosha............................

Aabe Wiilkiisa u dilay Maseer(Qiso Dhab ah)

Muqdisho,(WNT):-Aabe Soomaaliyeed ayaa la sheegay in Maseer dartiis u dilay wiil uu isagu dhalay. Dhacdadaan ayaa ka dhacday Guri dabaq ah oo ku yaala agagaarka Garoonka diyaaradaha ee Magalada Muqdisho. Qaar ka mid ah dadkii waaya jooga u ahaa dhacdadaasi ayaa arintaan inooga sheekeeyay. Waxaa ayna xuseen in dilkaan uu yimid kadib markii wiilka Hooyadiis oo mudo dhowr bilood ka hor kala tageen Aabaha ay guursatay Nin kale. Taasina ay keentay in Maseer dartiis u dilo wiil uu isagu dhalay oo xiligaas da'diisa lagu qiyaasay 13-sano jir. "Wiilka waxaa naloo sheegay in shalay oo dhan garaacayay kadibna isaga oo dhiig badan ka da'ayaan uu ka soo tuuray dabaq sedex biyaano ka kooban"ayay tiri mid ka mid ah haweenka ku sugan deegaankii falkaasu ka dhacay. Aabaha ayaa markii dambe la shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen Ciidamada dowlada KMG ah ee ku sugan degmada dharkenleey isla markaana uu haatan xabsi ku jiro. Dhacdadaan ayaa noqotay mid si aad ah looga hadal hayo Magaalada Muqdisho gaar ahaan goobtii ay ka dhacda

maseero xaal qaado

Waa shey ilaahay ku abuuray qofkasta sida waxyaabaha qaar ee bini aadamka lagu uumay Laakin waxaa jira qof Maseyrkiisa Macquul yahay iyo qof dhaafaya xadkii loogu tala galay oo qeyrul macquul ah Inkastoo lagu tilmaamo maseyrku in uu yahay dareyn xanuun leh oo qofku uu ku rabo in uu kaligii yeesho qofka uu jecelyahay ama dareenkiisa kaligiis soo jiito ayaa waxa uu sababaa in uu kala geeyo laba qof oo is jecel ama is qaba waxaana halkaa ku dhamaan kara wixii ka dhaxeeyay oo jaceyl ah Maseyr.. waa dareen la mid ah waxyaabah qofka uu dareemo ee caadiga ah laakiin dareenkiisu aad ayuu xanuun badan yahay hadii uu gudbo xadkiisa uuna sii siyaado Badanaa waxaa la arkaa dhibaatooyinka ka dhex dhasha labada qof ee is qaba amaba is jecel xataa asxaabta dhexdooda sababta maseyrka dartiisa, ayadoo mararka qaar ay gaarto shaki kii ugu xumaa taasoo dhameyn karta jaceylka meeshaa ka jiray, lagana yaabo in ay dhaliso is aaminaad la’aan sababta maseyrka dartiisa Waxaad arkeysaa mararka qaar qaasatan dadka jaceyl wadaaga ah ayagoo badanaa jecel dareenka maseyrka ah rabaana in ay dareemaan maseyrka ….. Sabab ??? Ma waxay rabaan in ay hubiyaan jaceylka qofka ay jecel yihiin ?? ma waxay doonayaan in ay jaceylkooda ku cadeeyaan Qaab maseyr galin ah qofka ay jecelyihiin ?? Maseyrku muxuu maraka qaar iskugu badalaa Shaki iyo kalsooni xumo ??? Muxuu maseyrku dadka qaar agtooda saa’id uu ugu yahay ama ugu badan yahay ?? Maseyrku ma kalsooni xumaa….Ama maxaan dhihi karnaa ??? Badanaa muxuu maseyrku isugu badalaa dhibaatooyin iyo mashaakil ???? Aqriste adiga maseyrka maxad u taqaanaa ?? Waa wax qurux badan in aragno ayadoo qof na jecel noo maseyraayo anaga darteen ………. Laakiin sheygaasi quruxda badan waxa uu noqon karaa mid wax burburiya…. hadii anan si caqliyeesan leysaga xakameyn Ugu dambeyntii………… Maserku Ma jaceylbaa mise waa Kibir ?????

dacwaan ku qaba ku deyn maayo ada idilee, daruurtii cishqiga dusheyda martoo ruuxii daran waan daweyn, datoor baan ahoo caashaq uu dardare xageyga

Maanta waxaynu ka hadlayna haduu allah awooda leh karaalo noqdo Maseerku (Hinaase) waxa uu yahay waba su,aal maseerku naagta iyo ninka keyba kulul maanta waxan soo qaadanayna ninka maseerkiisa waxa uuyahay waana mu,lifkiina weynaa reer maalta waana mr qurbaani ka bogosho wacan………. 6)Nin maseyr kulul: maseyrkiisu waa wax caadi ma ahan , mana ahan wax ku tusinaya Jaceyl sida uu isagu sheeganayo, waayo kalsoonida uu naftiisa ku qabo iyo dadka kale ayaa aad u yar, wuxuuna had iyo jeer wax ka raadiyaa dhanka xun ee dhaqanka xaaskiisa si uu ugu cadeeyo eedeynta uu u jeedinayo ee ku daahsoon halkudhigan “ ammaan ma jiro waqtigan khayaanada badan” halkudhigan ayaa ah midka ka careysiiya ragga oo shaki geliya in xaasaskooda ay sameeyaan galmood sharci darro ah oo zinno ah marka ay guriga ka maqan yihiin , xitaa ninka wuxuu falkani ku tuhmaa nin ku dhow isga oo ay qaraabo yihiin iskaba daaye deris iyo dad kale , wuxuu xaaska u diidaa inay yeelato Teleefoon ,Email iyo nooc kasta oo asxaabteeda iyo qoyskeeda ay kula xiriiri karto , wuxuuna jecel-yahay in kolka ay qof teleefoon kula xiriireyso inuu isaga uu agjoogo. Maseyrka noocan ah waa cudur u baahan dawo , waayo ninku wuxuu u dhaqmayaa si mayal adag oo diktaatoorinimo ah , waxaa wanaag badan in ninka iyo naagta isqaba inay isfahmaan , ayna noqdaan laba iska amar qaadata oo is maqal iyo adeecid isku xushmeeya , waa inaan la isku dhibin amarada culus waayo hadii kale isku dhacooda bata waxa meesha ka imaan kara furiin dhibaato aad uweyn iyo murugo oo soo darasto xaga qalbiga waayo marwadada marwalba hadii aad xumayso o qolbiga kajabiso aad dhawacdo walba waayo raga maseerka kulul mararka qaar waxa dhama naagaha waayo hora waxa loo yiri nin maseersan yo lo xaanaqsan ilaah kagma horkeeno aya lagu duceysta hadii nimanka qaar oo maseerka aduunyada ku baabi iyeyn oo guridooda dumiyayen caruurtooda cidlo dhigayn waxaaso dhan waxa usawab ah shakiga. waayo shakiga hadii aan wax yar kaso qadano waad ogtahay aduunyada cudurka halista ah wa AIDSKA laakin hadii aan nahay taqaatiirta qoraalada waxan soo sarnay shakiga inuu maanta ka daranyahay cudurka AIDSKA ayan soo xaqiijinay waana run dadweynaha soomaliyayd oo dunida meelwalba ku nool yihiin raga/dumar waxan ogaysiinayna in ay iska saran shakiga waayo shakiga wuxuu dumiya gurigaga waxaana ubaas baxa mustaqbalkaga iyo aayatiinkaga iyo noloshada farxaadada ayuu dumiya shakiga hadii aan usoo laabto RAGA war ragoow ma ogtihiin hadii aad mar uu nikaax dhaco inee noqotay marwadada oo xaqiiqda waxaana loo bahanyahay in aad is dajiso waayo waxa mas uul ka qaaday wa naf dhan ma ogtahay {{{ mukulaal hadii oo gurigaga keensato adiga ka rabta balaq} {{doorana ninkii guriga keensado asigee ka rabta masago }} laakin waxa run in dumarka oo gurigooda kaso waynin waxay cunay waayo gurigaga waxay u imaadayn in ay kula noolato waxay dhashana aragto iyo farxad in ay kula wadagdo kawaran hadii waji macbuus kula dhaqanto oo aad itaahdo eray xun oo naxariis ka weyso….. waayo dumarka wa daciif waxaana laga abuuray anaga laf dhabarkayna waxayna ubaahan yihiin hadal macaani naxariis sojiidasho ma ogtahay dumarka inee kula dulqadanayan hadii aaad waxba haysan laakin markii aad wax hesha in aad luuq ka gasho looma baahno waayo horaa waxa loo yiri { xalaashiisa xumeyow xakaara udambeyn}} in aad xalashada xumayso oo u naxariisan weyso looma baahna waayo markii dumarka uur ay ku qadaan saruulka swc wuxuu yiri dumarka waxa naxariis ubaahan yihiin wa laba mar wa markii ay caado ku dhacdo iyo markii ay ku qaadan {{ UUR }} labadaasi mar hadi ay ka wayayn naxariisan weyso ilaah kuma naxariisanayo waayo ilaah goor walba wuu ku jeeda laakin bini,aadamka waxay ubadan yihiin xaasid ilaah xaasid nagama dhigo aya lagu ducaysta dumarkana hadan uso laabto laakin dumarka wey naxariis badan yihiin waxwalba aan ubaahanay waan ka helnaa waayo waxaan ka sheegno wa dambi waayo dumarka weyna dhalayn wey noola dhashayn waana dhalaynaa sagaal bilood iyo sugooda aya caloosha ku dhah jirnay anagoo waxba ahayn ayay wax naga dhigayn fiiriya marki aan ahayn anagoo sadex bilood ahayn hadii qoraxda nadhigan maxa sheegi karan xita quraansho yar xitaa iskama dhici karno iskaba daaye wax kale war ragow waxan idinka waninaya mar hadi aad gursatan in marwadada labadada gacmood ku qabsata waayo guri la dumiyo wey sahlan tahay laakin guri sida lagu dhiso wey adag tahay intaas ayan idinku waninaya madama walalkiina soomaliyayd hadal waa lama huran hadalna lagama weyna waayo inkastoo somalida hadal lagu kari karin waan ogahay laakin inti maskax leh horta anaga hadan nahay bahada wargarsiinta anaga dadka war ayan garsiinkarna laakin awood uma lihni in aan maskaxsa ugu shubno intaas ayayna ku so gabagabaynayna maaantana waxan ka hadlaynay maserka dhibaatada uu leeyahay wad ogyihiiin wadna ogan doontiin intii og waba ogtahay inti ogayn ayaga ogayn dona haduu ilahay rali ka noqdo waxaana idinka taga sidas iyo nabad galyo waana {{{ mr suraj or lucky man }} kulanti dambo oo iiso leh bye

Behind the Scenes of My Home Page

Even if I don't put much text on my home page, it's a good idea to include hidden tools that will help me promote my site, so people other than my friends and family actually see it. For example, I could add meta tags, which are hidden codes that allow search engines to find my site. I could also install stats and a counter so I know how many people are visiting. If not many are visiting, submitting my site to search engines will guide more traffic to my site.